SAWIRRO: ”Wuxuu ahaa isku day dil, fikradahan fashilmay nama celin doonaan” – RW Abiy & Booliiska Adis Ababa oo ka hadlay qaraxii dhacay!

0

(Adis Ababa) 23 Juun 2018 – Qarax wayn ayaa dhacay in yar uun kaddib markii ay dhamaatay khudbad uu  RW Abiy Ahmed ka jeedinayay isu soo bax ballaaran oo lagu taageerayay siyaasaddiisa isbeddel doonka ah oo ka dhacday Fagaaraha Meskel ee magaalada Adis Ababa.


“Sida cad falkaasi wuxuu ahaa isku day dil”, ayuu yiri Girma Kassa Taliye xigeenka booliiska magaalada Adis Ababa oo hadlayay kahor inta aanu hadlin Wasiirka Koowaad Dr Abiy laftiisa. “Shilalkan yari nagama baajin doonaan dib u cusboonaynta aan wadno. Waannu u midoobi doonnaa oo ka guulaysan doonnaa afkaarahan fashilmay.” ayuu yiri Dr Abiy.

RW Abiy ayaa u tacsiyadeeyay dadkii goobta ku waxyeelloobey isagoo degganaan ku baaqay si buu yiri looga adkaado wax uu ku tilmaamay qaswadayaasha.

“Jacaylka ayaa guulaysan doona. Cafiska ayaa guulaysan doona. Dilku waa astaan guuldarro. Shalay bay guuldarraysteen, maanta ayay guuldarraysteen, berrina way guuldarraysan doonaan,” ayuu yiri isagoo xaqiijinayay waxyeellada qaraxaasi dhigay.

Weriye ka tirsan Associated Press ayaa sheegaya inuu isha saaray daraasiin dad ah oo dhaawac ah iyo RW Abiy oo lala sii ordayo isagoo ay dhinacyada ka socdaan ilaalo didsan.


Jawar Mohammed, oo ah gayfane iyo agaasime ka tirsan Oromo Media Network (OMN) ayaa xaqiijiyay in ay dhinteen ilaa 4 qofood, qaar ka badanna ay goobta ku dhaawacmeen.

Hadalsame Media