RW Abiy Ahmed: “Qaraxa waxaa fuliyey dad ka xun midnimada Itoobiya”,

0

(Muqdisho) 23 Juun 2018 – Wax yar kadib markii uu dhacay qarax weyn oo ka dhacay goob ay isugu soo baxeen ku dhawaad sadex milyan oo ruux bartamaha Magaaladda Addis Ababa ayaa Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed waxaa uu TV-ga dalkiisa kala hadlay dadweynaha.

Waxaa uu sheegay in qaraxaan ay ka danbeeyeen dad u ku tilmaamey kuwa ka xun oo ka soo horjeeda midnimada dalkiisa iyo dadkiisa. Waxaa uu sheegay in qaraxaasi aan laga gaarin wax guul waxaana uu ku booriyey shacabka Itoobiya midnimo iyo isjacayl.

Taageerayaashiisa oo lagu qiyaasey sadex milyan ayaa goobta soo buux dhaafiyey subaxdii hore ee Sabtiga maanta iyadoona qaraxu dhacay intii ay socotey khudbada Ra’iisal Wasaaraha.

Ugu yaraan inta la ogyahay sadex ruux ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen weerarkan oo illaa hadda cid sheegatay aysan jirin.

Hadalsame Media