XOG XAREEDAYSAN: Qoys Maraykan ah oo iibsanaya AC Milan + Sawirro

0

(Chicago) 22 Juun 2018 – Qoyska Tom Ricketts ayaa laga soo xigtey war xaqiijinaya inay doonayaan inay inta badan iibsadaan saamiga kooxda AC Milan, kaddib markii uu Yonghong Li maanta ku fashilmay inuu bixiyo €32m oo lagu kordhin lahaa raasumaalka kooxda, jeer ay Elliott Management diyaar u tahay inay lacagtaa bixiso.


Milkiilaha haatan ayaa laga doonayaa inuu lacagtaa soo celiyo ilaa 10-ka Luulyo, haddii kale waxaa kooxda la wareegaysa Elliot oo wadeeysa inta ay ka iibinayso si ay lacagteeda uga caddaysato.

Haatan, MilanoFinanza ayaa daabacday war ku aaddan inay heleen e-mail ay ku caddahay in qoyska Ricketts oo sidoo kale ah milkiilayaasha kooxda Chicago Cubs ay doonayaan inay kooxdan iibsadaan.

“Qoyka Ricketts (Tom oo qura maaha) ayaa waxay xiisaynayaan inay la wareegaan saamiga aqlabiga ah ee ugu badan kooxda AC Milan [sida ay u qornayd],” ayuu Andrea Montanari sheegay inay e-mail-ka ku qornayd.

Montarani ayaa sheegay in qoyska Ricketts ay yihiin dad maalgelin waqti dheer ah sameeya oo ay yihiin dad yaqaanna sida koox loo maareeyo, iyagoo si wanaagsan u wada kooxda Chicago Cubs iyo taageerayaasheeda. ”Isla qaabkaas oo kale ayay u wajihi rabaan Milan” ayuu yiri.

Waxaase muhim ah in hoosta laga xarriiqo in warkani aanu weli si rasmi ah u shaacin, iyo in Ingiriiska ku qoran e-mail-ka la helay uu naxwe ahaan khalad ku jiro.

Hadalsame Media