Soomaliland oo dacwad ka qortey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

0

(Muqdisho) 22 Juun 2018 – Hoggaamiyeha Maamulka Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi ayaa warqad cabasho ka gudbiyey wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan amuuraha Soomaaliya Michael Keating.

Warsidaha Hadalsame Media ayaa arkay warqadaan oo ku qoran Luuqda Ingiriiska.

Warqadaan ayaa ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Somaliland waxaana dacwad ka dhan ah xoghaya qaramada midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya Micheal Keating loo gudbiyay  xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Dacwadaan ayaa timid kadib markii Mr. Keating u diray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey warqad 10-kii bishaan june taa oo Soomaaliland ku sheegtay mid xaqiiqdeedu ka fog tahay sida loo dhigay islamarkaana hal dhinac u xaglinaysa kuna saabsan Dagaalkii iyo Xaaladda deegeenka Tukaraq oo ay  isku hayaan ciidamada Soomaliland iyo Puntland.

Haddaba halkaan hoose ayey aqristayaasheenu ka dheehan karaan warqadaan dacwadaha ee  Soomaliland u dirty Qaramada Midoobey iyo mida kale uu qorayey Mr.Keating.

Hadalsame Media