SAWIRRO: Turkiga oo helaya dayuuradaha F-35 balse waa inuu sugaa ilaa 2019 (Sabab?)

0

(Fort Worth) 23 Juun 2018 – Turkey ayaa helaya dayuuradihii Maraykanka uga dalbanaa ee F-35, balse dayuuradahaasi waxay sii joogayaan Maraykanka ilaa 2019, iyadoo muddadaasi lagu tababarayo duuliyayaasha Turkish-ka ee wadi doona dayuuradahan casriga ah ee jiilka 5-aad, tiiyoo uu weli senetka Maraykanku wado tillaabooyin sharci ah oo uu ku diiddan yahay iibkan.

“Waxaannu wada geleynaa waayo cusub, taasina waa ka dhab ciidamada cirka Turkiga,” ayuu yiri Orlando Carvalho, oo ah madaxwayne xigeen sharikadda Lockheed Martin ee dayuuradahan samaysa qaybteeda suuq-gaynta oo ka hadlayay munaasabaddii wareejinta oo lagu qabtay Fort Worth, Texas.

Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Turkey Serdar Demirel oo xafladda ka qayb galay, halka Maraykanka ay metelayeen saraakiil maxalli ah oo heer hoose ah sida garsooraha degmada Tarrant County ee Glen Whitley wakiilka gobolka Craig Goldman (R-Fort Worth), sida uu qoray Fort Worth Star-Telegram.

Kaddib xafladda wareejinta oo lagusoo bandhigay 2 dayuuradood oo kambiyoon ah oo F-35 ah, waxaa duuliyayaasha Turkish-ka ah loo dhigi doonaa saldhigga ciidamada cirka ee Luke Air Force Base oo ku yalla gobolka Arizona, halkaasoo lagu tababari doono iyaga iyo farsama yaqaannada la socda. Waxaana markaa kaddib dayuuradaha Turki loo daabuli doonaa dhamaadka sanadka soo aaddan ee 2019.

Aqalka Odayada Maraykanka ayaa waxaa ka socda olole ay ku diiddan yihiin in dayuuradahan casriga ah ee Maraykan sameega ah laga iibiyo Turki oo ay ku eedeeyeen inuu dalbaday hub aan la ”jaanqaadi karin” midka NATO sida gantaalaha difaaca cirka ee Ruushka ee S-400.

Hadalsame Media