Degmada Warta Nabadda oo muddo sanad ah laga joojiyay tartamada Isboortiga Gobolka Banaadir

0

(Muqdisho ) 23 Juunyo 2018.Qilaafka u dhaxeeya maamulka Isboortiga gobolka Banaadir iyo kan siyaasadda degmada Warta Nabadda ayaa cirka isku sii shareeray, kaddib hadaladii ka soo yeeray guddoomiye Seynab.

Kullan lagu maamuusayay maalinta taariikhiga ah ee 15-May ayaa maamulka Isboortiga gobolka Banaadir waxa uu koob dhex dhigay gabdhaha  degmooyinka shibis iyo Warta Nabadda.

Gabar ka tirsan Warta Nabadda oo lagu magacaabo Farxiyo Nani ayaa gacan ka hadal la aaday garsoorka dheesha kaddib dhamaadkii kullanka.

Maalmo kaddib guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir Xasan Wiish ayaa lagu casuumay furitaanka tartankii bisha Ramadaan ee garoonka Futsalka Warta Nabadda, ha yeeshee guddoomiyaha Degmadaas ayaa hadalo aan wanaagsaneen kula hadashay Wiish iyadoo ka saartay garoonka isla markaana diiday in uu furo tartanka.

Xasan Wiish ayaa kaddib soo saaray  ganaax hal sanno ah oo uu dhamaan tartamada ugu joojinayo degmada Warta Nabadda.

Guud ahaan ciyaartooydii Warta Nabadda ayaa durba aaday degmada Yaqshiid oo ciyaari doonta kullankeedii ugu horeeyay.

Galabta ayaa dib loo amba qaadi doonaa ciyaaraha kubadda kolayga wiilasha iyo gabdhaha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha  gobolka Banaadir Eng Yariisoow oo si wayn ula dhacsan shaqada Xasan Wiish iyo wax qabadka maamulka degmada Warta Nabada ayaa lagu wadaa in uu soo dhex gallo arintooda.

Hadalsame Media

Facebook Comments