Shirka IGAD ka furmaya Addis Ababa iyo Soomaaliya oo ka qeybgalaysa.

0

(Muqdisho) 21 Juun 2018 Madaxwayneha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay Magaaladda Addis Ababa ee xarunta Midawga Afrika halkaas oo la filayo in saacadaha soo socda uu ka furmo shirka urur goboleedka IGAD.

Shirkaan oo ah mid aan caad aheyn ayaa la filayaa in diirada lagu saaro arrimo badan oo ku saabsan gobolka gaar ahaan South Sudan iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka oo qamiis ah ka dhoofay Garoonka caalamiga ee Aden Ade Airport ee Magaaladda Muqdisho.

Shirka Addis Ababa waxaa kale oo ka qeybgalaya Madax fara badan oo ka socda Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobey halkaas oo sidoo kale ay xaadir ku noqon doonaan sida la filayo hoggaamiyeyaasha 8da dal ee ku mideysan Ururka IGAD .

Shirkaan ayaa la filayaa inuu qaato hal maalin.

Hadalsame Media