DHACDO UGUB AH: DAAWO…Arrin fasiraad loo waayay oo caawa ka dhacday xaflad lagu casuumey RW Khayrre!

0

(Oslo) 20 Juun 2018 – Xaflad dad badani kasoo qayb galeen oo lagu soo dhowaynayay Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ka dhacday magaalada Oslo ee caasimadda Norwayn ayaa la sheegay inay caawa ka dhacday arrin la yaab leh. Halkan hoose ka DAAWO…

Xafladdan oo uu soo agaasimey Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Norway ka dhisan ayaa sida muuqata la dagaallamay dhamaanba shacaa’irta Qaranimadii Soomaaliyeed kaddib markii ay diideen dhamaanba arrimahan:

1: Waxay diideen in Calanka Soomaaliya xafladda lagu muujiyo.
2: Waxay diideen In Ra’iisul wasaaraha lagu soo dhaweeyo heesta ama astaanta qaranka Soomaaliyeed.
3: Waxay diideen oo goobta ka mamnuuceen in TV-ga Qaranka Soomaaliyeed iyo wariyaheeda.

“Hadii adinka oo dibadaha jooga aad dalado ka qaadataan roob Soomaaliya ka da’aya….”.

RW Hassan Ali Kheyrre oo dareemay sida ay xaaladdu u qasan tahay kana xun sida wax u dhaceen ayaa yiri: “Hadii adinka oo dibadaha jooga aad dalado ka qaadataan roob Soomaaliya ka da’aaya, fadlan ha noo imaanina dhib ayaad nagu soo kordhineysaan.” Ra’iisul wasaare Kheyrre.

Arrintan ayaa walbahaar iyo la yaab ku abuurtay Soomaali fara badan oo ku nool Norway, kuwaas oo is waydiinaysa sababta ay markii horeba kooxdan ugu suuragashay inay xaflad u qabtaan mas’uul ka socda dal ay jiritaankiisa inkirsan yihiin.

Farxaan Cali Xalane, Oslo, Norway

 

Hadalsame Media