AJENDAHA FOG EE ITOOBIYA: Goorma ayuu bilowday inay Itoobiya hunguriyayso biyaha Somalia?

0

(Hadalsame Media) 20 Juun 2018 – Muddo haatan laga joogo 140 sannadood kuna beegan Sannadkii 1878-kii ayuu bilowday damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya in ay ku hesho ay ku doonaysay waxaaana xiligaa Boqorkii la oran jirey Manelik uu waraaqo u diri jirey dawladihii reer yurub iyadoo Itoobiya ku beer lawaxsanayey in ay kirishtaan isla yahiin “Gaalo” ayna doonayaan in ay ku caawiyaan sidii ay u qabsan lahaaayeen xeebaha soomaaliya.


Mar kasta micnuhu ma aha in ay Itoobiya xoog wax uga qaadan karto Somalia, waloow ay xitaa middaas isku dayday 2006-dii misna inta badan waxay adeegsataa cududaha reer Galbeedka oo ah kuwa u dhacay Soomaalida, balse ku fashilantay waxaana la sheegaa in Melez sheegay inay markan kusoo fashilmeen ajendohoodii Somalia, balse aysan marka 2-aad ku fashilmi doonin, waayo buu yiri waxaan bedelaynaa qaabka aan Somalia u wajahayno oo waxaan adeegsan doonnaa ILKA CAD CAD halkii aan CADAAWAD cad lasoo istaagi lahayn.

”Khayr wax kaama dhibee shar u toog haay”

Damacaas waxaa sidoo kale waday Boqor Xayle Salaase,Madaxweyne Mingistu Xayle Mariam,Ra’iisal wasaare Melez Zenaawi raggaas oo dalkaas madax kasoo noqday ilaa haatan oo uu Itoobiya ka yahay Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa wada damacaas waana mid weligii taagnaa.

Waxaa kale oo jirta in Minilik iyo Haille Selase ka sinnaayeen in Soomaalidu ay tahay geelleey naq raacday oo iyaga ka baxsaday oo markii dambe ku fallaagoobey, balse ay xaq tahay inay qayb ka noqdaan Itoobiya.

Ilaa maantana ma jirto heshiis saxiixan oo qoraya inay Itoobiya bedeshey istaraatijiyaddaas, ma xuma in bog cusub loo furo xiriirka labada dal, waase inuusan noqon is moodsiis hal dhinac ah oo ay Soomaalidu iskaga dhaadhicinayso inay wax walba dhag yihiin iyadoo la isu dhakan yahay.

 

Hadalsame Media