SAWIRRO: ”Xulka Senegal waa tahriibkii wax ku goobaynayay xeebaha Spain” – Lord Alan Suger oo ceeboobey

0

(London) 20 Juun 2018 – Waayaha Lord Alan Sugar ee BBC ayaa u muuqda kuwa soo gaaban kara kaddib markii uu laacibiinta xulka Senegal ku mitaaley madoowga Afrika kasoo tahriibey ee wax ku iibiya xeebaha Spain.

Boqollaal qof ayaa dhaleeceeyay soo saaraha barnaamijka The Apprentice oo arrintan kusoo qoray Twitter-kiisa, iyagoo dalbanaya in shaqada laga eryo, iyagoo waxa uu soo qoray ku tilmaamay ”kaftan nacaseed’.

Ninkan ayaa tweet-kaasi tiray 23 daqiiqo kaddib – balse Lord Sugar, 71, wuxuu weli ku adkaysanayaa in warkiisa ay inyari si ”khaldan” u fasireene aanu isagu xumaan iyo cunsuriyad ula jeedin.

Yeelkeede, 82 daqiiqo kaddib tweet-kii hore wuxuu qortay khaladkiisa, isagoo sheegay inuu ahaa ”kaftan xumaaday” oo si khaldan loo ”xukmiyay” isla markaana uu ”aad uga xun yahay.”


Hadalsame Media