MUUQAAL & SAWIRRO: Dayuuradaha uu Turkigu iibsan doono oo la ogaadey kaddib diidmada F-35 (Waa noocee?)

0

(Ankara) 20 Juun 2018 – Raysal Wasaaraha Turkiga ee Binali Yildirim ayaa ku dhawaaqay in ay ”dookh 2-aad haystaan” haddii uu meel maro xeerka kasoo baxay Aqalka Odayada Maraykanka ee Senate-ka oo 85-10 kaga codeeyay in Ankara laga iibiyo dayuurada dagaalka casriga ah ee F-35, iyagoo Turkiga ku haysta inuu ludda iyo laftaba wada rabo.


“Go’aankii soo baxay wuxuu ahaa mid nasiib darro ah,” ayuu yiri Yildirim oo raaciyay, “Turkey dookh la’aan maaha. Go’aamadan oo kale waa kuwo laga shallaayo oo kasoo horjeeda jaalnimada istaraatijiga ah ee naga dhaxaysa.”

Warsidaha af Turkish-ka ku hadla ee Yeni Safak ayaa dabayaaqadii bishii Maajo horay u sheegay in Turkey ay durba sii calaamaysatey biddaalka F-35 oo u muuqda mid loo diidi doono, waloow ay codka kama dambaynta ah leeyihiin Koongarayska Maraykanku.

Turki ayaa u bayraya dhanka dayuuradda laba matoorreeyda ah ee ugu casrigan kuwa Ruushku sameeyo ee Sukhoi Su-57 oo ah jiilka 5-aad iyo 6-aad ee raadeerka ka dhuumata oo ah dayuurad dhowr doorleey ah oo hal duuliye wadi karo, taasoo meelaha qaar uga waxgalsan US F-35 oo iyadu hal matoorreey ah.

Ankara ayaa Maraykanka horay uga dalbatay 100 dayuuradood oo F-35 ah oo ay ku bixin lahayd $10 bilyan oo doollar, taasoo qaybta ugu horreeysa loo keeni lahaa Khamiista.

Dayuuradda Ruush sameega ah ee Sukhoi Su-57 ee jiilka 5-aad iyo 6-aad ee raadeerka ka dhuumata oo duulimaad ku jirta.

Hadalsame Media