DAAWO + DHEGEYSO: Ma David Shinn ayaa hadda kahor sheegay in Somalia ay la midoobayso Itoobiya?!!

0

(Adis Ababa) 20 Juun 2018 – Waxaan arkay muuqaalkan oo uu ka dhex muuqdo David Shinn oo la leeyahay wuxuu yiri Somalia ayaa Itoobiya la midoobaysa oo waxaa ii sheegay Melez.

Yeelkeede, qofkii luuqadda Ingiriisiga yaqaanna wuxuu fahmi karaa inuu leeyahay ”Melez wuxuu igu yiri waannu isu soo noqonaynaa markale” iyo dagaallada uu ka hadlayo oo dhacay 1998 iyo 2000, taasoo caddaynaysa laba arrimood:
1 – Isu soo noqod waxaa loo adeegsadaa wixii horay hal wax u ahaa ee kala tegey. (Somalia kiiskaa kuma jiri karto).
2 – 1998 iyo 2000 Somalia iyo Itoobiya dagaal rasmi ah oo dhexmaray ma jirin.

Wax Somalia caddeeynaya meesha kuma jiraan aan ka ahayn inuu calanka Somalia horyaallo David H Shinn oo ah danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyay Itoobiya.

Halkan hoose ka DAAWO kana DHEGEYSO….

Hadalsame Media