“Ciidamada Amaanka Itoobiya waxay ku keceen falal argagixiso” – Dr Abiy Ahmed oo sameeyay qiraal naadir ah!!

0

(Adis Ababa) 19 Juun 2018 – Wasiirka Koowaad ee Ethiopia Dr Abiy Ahmed ayaa qirtay in hay’aadka amaanka dalkiisa Itoobiya ay sida uu u dhigay ku keceen “Falal argagixiso” oo ka dhan ah muwaadiniinteeda, wax loo arkay qiraal naadir ah.

Ahmed, oo xilka ugu sarreeya dalkiisa loo dhaariyay bishii Abriil, ayaa sidoo kale bixiyay qish ku aaddan inuu laali doono xeerka loogu yeero la dagaallanka “argagixisada” oo keenay in la iska xukumo ama dacwado aan cadaalad ahayn lagusoo oogo kumannaan dhibbane.

“Dastuurkeennu ma ogola, balse waxaan jir dilaynay, ama dhibaato niyadeed u gaysanaynay maxaabiista oo qaar lagu xiro qolal cuyuuban ah oo mugdi ah,” ayuu yiri isagoo shalay u khudbaynaya baarlamanka dalkaasi Itoobiya.

“Waxaan samaynay falal argagixiso, si aannu xukunka xoog ugu sii haysanno inaan xoog adeegsannana waa fal argagixiso,” ayuu Ahmed daba dhigay.

Hadalsame Media