Madaxwaynaha Somalia oo ka hadlay heshiiska muranka dhaliyay ee Itoobiya lala galay

0

(Hadalsame) 19 Juun 2018 Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay TVga Qaranka waxaana uu ka jawaabay Su’aalo xasaasi ah oo ay kamid tahay qaddiyadda hadda taagan ee Itoobiya sida qodobbada war murtiyeedkii 16-ka ahaa iyo kuwo horay u dhacay.

Waa wareysigi ugu cuslaa ee warbaahinta Qaranka ay abid ka qaaddo madaxweyne Soomaaliyeed, oo si furan ay u weydiiso su’aalo aan tan iyo 1969 looga baran warbaahinta Dowladda.

Waxaa lagu wada in waraysigaasi uu caawa 08:00 fiidnimo waqtiga Muqdisho ka boxo shaashadda hilinka TV-ga ku hadla codka dowladda (SNTV)

Hadalsame Media