”Somalia & Ethiopia miyaa hal dal noqonaya?” – Akhriso wixii uu ka yiri Abiy Ahmed oo turjuman!

0
FILE PHOTO: Abiye Ahmed addresses a news conference in Addis Ababa, Ethiopia December 4, 2015. REUTERS/Stringer

(Adis Ababa) 18 Juun 2018 – Hadalka tan iyo shalay la is dhaafsanaayo ee ah Raisul wasaraha Itoobiya baa yiri “Hal Dal baan Noqonaynaa oo Midaysan anaga iyo Somaliya … ” !! Waxba kama jiraan hadalkaas !!

Warka uu sheegay Ra’iisul Wasare Abiy Axmed oo saxaafadda la hadlay markii uu guryo noqday isla markaana uu fasirayo Saciid Axmed halkan hoose ka akhriso:

”Maanta Waxaan ku suganaa Magaalada mogadishu maalin barkeed ama hal galin, waxaan kulanay Madaxweynaha dowlada soomaalia & R/wasaraha & xukuumada & afhayeenka barlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaan kawada tashanay waxyaalo Hami aad u fiican leh, tusaale ahaan xiriirka labada wadan, oo ahaan doona mid Mira dhal ah.

”Ilaa goormaan xasuusnaan doonaa hebel baa hebel dilay, sidii sheeko xariir ilaa gormaan uga shekeynaa. ilamad iyo baroorta, sidoo kale dhufeys ku jirnaa ugana shekeynaa dhalinyadeena, siyaad bare iyo mingistu, labo wadan oo walaalo ah intaan kala dili leheyn waa inaan isku keeno gacanta isku galino runta inaaan u daadihino dhalinyaradeena u abuurno kalgacyel waa inaan is dhex gal labada shacab sameynaa waa inaan gacmaha is qabsanaa oo latartanaa dibadaha sida, America, Europe, Dubai, meelo yar yar intaan kireyn lahayn, maan isku- geyno inaan meelo waa weyn furano.

”Si aannu horumar u sameyno waa isku dayi karnaa, somaaliya waxaa ku yaalla meelo waaweyn oo nacfi leh, siduu dhigayo juqraafiga gaar ahaan meesha ay uga taalo gobolkeena Geeska Africa Waxa ay leedahay xeeb aad u dheer mana ka fa’iideysanno, waxa dhaqaalo ku jira waana ka tuugsanaa, waxaan ogahay hadii aan ka wada fa’iideysanno #America ayaa noo soo suuq doonaneysa iyo caalamkaba.” intaa ayuu ka yiri safarkiisii Muqdisho.

Waxaa Tarjumey: Saciid Maxamed

 

Hadalsame Media