DHEGEYSO: Dagaalka Tukaraq oo run laga sheegay!!

0

(Burco) 18 Juun 2018 – Waxaa tan iyo horraantii sanadkan ay colaadi ka taagnayd aagga degaanka Tukaraq oo ay isku hayaan malliishiyaad kala taabacsan Somaliland iyo Puntland oo kala sheeganaya degaankaasi oo ay doodda ka mid tahay inay jirto xudduud reer ama mid caalami ah oo uu gumaysigu dhigay.


Haddaba, Sheekh Cali Warsame oo ka mid ah culimada waawayn ee gobolka Togdheer ayaa aad u dhaliilay in dad Soomaaliyeed oo walaalo ihi ku dagaallamayaan qadiyado kharbaan ah sida mid gumaysi dhigay ama in sideedaba uu qof Muslim ihi dhul gaar ah ka sheegan karo Muslimiinta kale.

Hoos ka DHEGEYSO Sheekh Warsame oo uu soo duwayo hilinka Saab TV kana hadlaya erayo aad ugu badan dagaalkaasi sida ”Muqaddas” oo la dhigay .

 

Hadalsame Media