SAWIRRO: RW Khayrre Oo La kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Norway

0

(Oslo) 18 Juun 2018 – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayrre ayaa la kulmay Wasiirka arrimaha dibada Dalka Norway, labada mudane ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, isla markaana looga wada shaqayn lahaa arrimaha Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka.

Ra’iisul Wasaare Khayrre ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka siiyay xaaladda dalka iyo qorshaha Xukuumaddiisa.

Waxaana kulanka ku weheliyay wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Hadalsame Media