HESHIIS DHACAY: Maurizio Sarri oo ku biiraya kooxda Chelsea

0

(Napoli) 18 Juun 2018 – Maurizio Sarri ayaa la sheegayaa inuu ugu dambayn diyaar u yahay inuu ku biiro kooxda Chelsea oo uu u saxiixayo qandaraas 2 sano iyo mid 3-aad oo dookh furan ah, halka Napoli ay heleeyso €5m oo euro.

Sida uu dhigayo CalcioNapoli24.it, waxaa fiidkan dhacay wada hadallo dhexsaday Marina Granovskaia oo ka tirsan agaasinka Chelsea iyo agaasimaha isboortiga Partenopei jaalle Cristiano Giuntoli.

Sarri ayaa tibxaha heshiiska la meel dhigay Chelsea, isagoo saxeexaya qandaraas soconaya tan iyo Juun 2020, iyadoo uu mid 3-aad xisaabta ku jiro.

Waxaa intaa dheer, in Napoli ay diyaar u tahay €5m oo loo siinayo magdhow ahaan si loo fasaqo qandaraaska uu kula jiro kooxdaasi, tiiyoo uusan haatan xil u haynin.

Hadalsame Media