DHEGEYSO: ”Heshiiska waxaa ku jira qodobbo muran gelinaya madax bannaanida Somalia” – Qodobbada heshiiska & waxa uu ka qabo qaanuunka caalamiga ah!

0

(Muqdisho) 18 Juun 2018 – War Murtiyeedkii ay dorraad si wada jirka ah u soo saareen hogaamiyaasha labada dal ee Soomaaliya iyo Etiboobiya ayay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid ahaayeen maalgelinta 4 dekadood, furashada qunsuliyado iyo sii wadista heshiisyadii hore ay jiray.


Yeelkeede, dad badan ayaa dareemay in uu jiro mugdi wayn oo hareeynaya waxa uu heshiiskani yahay, degdegta lagu qoray iyo sirgaxnaanta tibxaha ku qoran oo ay ku jiraan qaar muran gelinaya madax banaanida gayi ee dalka Somalia, tusaale ahaan, waxaa ku jira erayga ”dekedaha ka dhexeeya labada dal, guddi isku dhaf ah oo deg deg loo sameeynayo iyo fulinta heshiisyadii jirey.

Haddaba, maxay yihiin heshiisyada jiray oo lagu xusay war murtiyeedka Maxay ka dhigantahay maalgashiga dekadaha iyo furashada qunsuliyado – su’aalahaas ayaa weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle uu weydiiyay Dr Axmed Maxamed Khayrre oo shahaada PHD ka haysta Qawaaniinta Caalamiga ah.

Halkan hoose ka dhegeyso…

Hadalsame Media