Soomaaliya: “Itoobiya Waxaan Nahay Labo Dal Oo Kala Madaxbanaan,”

0

(Muqdisho) 18 Juun 2018Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixisay heshiiska labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxaana sidoo kale ay dowladdu jawaab ka bixisay hadal la sheegay inuu ka soo yeeray Wasiirka Koowaad ee Itoobiya Abiy Ahmed warkaas oo siyaabo kala duwan loo fasirtay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele ayaa maanta oo Isniin ah ka sheegay Magaaladda Muqdisho in Soomaaliya iyo Itoobiya ku heshiiyeen inay iska kaashtaan Amniga, Diblamaasiyadda iyo hormarka ganacsiga gobolka guud ahaan.

Wasiirka ayaa meesha ka saarey fasiraada qaldan ee ku aadan in Soomaaliya iyo Itoobiya doonayaan inay hal dal isku noqdaan taa soo aan aheyn wax maangal ah , waxaana Wasiir Geele si cad u sheegay in kala madaxbanaanida labada dal ay tahay mid muqadas ah aysana jirin baahi keeni karta in waqtigaan la faafiyo aragti nuucaas ah.

“Heshiiskaasi wuxuu ku saabsanaa dhinacyo badan waana mid soo socday muddo oo dowladdihii hore ee Soomaaliya soo wadeen, mar walba waxaa laga duulayay laba dowladood oo deris ah, waxaa aad looga hadlay xiriirka dhaqaale ee labada dowladood, suuq macno leh ayaa halkan ka dhalanaya, waxaan kuu sheegi karaa in ay wada hadleen laba dal oo kala madax banaan, ra’iisul wasaaraha Itoobiya wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya” ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Muxuu RW Itoobiya Abiy Ahmed  sheegay intii lagu jiray booqashadiisii Muqdisho sabtidii la soo dhaafey?

Khudbadii Abiy Ahmed

“…Mustaqbalka waxaan dooneynaa inaan hal Suuq wada yeelano oo sare u qaadno tayada Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Itoobiya….” ayuu yiri Abiy oo sheegay in himiladaasi ay tahay mida danta ugu jirta labada dal oo ah kuwo kala madax banaan balse ay ka dhaxeyso istixgelin iyo iskaashi walaaltinimo.

“…Ciid wanaagsan, waan imaaday…” ayuu Abiy Ahmed ku yiri af-Soomaaliga, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa.

“…Halkan umma imaan Taariikhdii hore inaan ka hadlo balse waxaan u imid inaan Mustaqbal iyo iskaashi cusub inaan ka bilowno, qorshaheenu waa sidii Gobalka Bariga Afrika looga dhigi lahaa dhul xasiloon oo horumaray…” ayuu yiri Raysalwasaaraha Itoobiya.

“…Soomaaliya waa dalka kaliya ee Caalamka oo ay degen yihiin Hal Qowmiyad, ku hadla hal Luuqad oo heysta Hal Diin…” ayuu yiri Abiy Ahmed oo sheegay inuu si weyn u taageersan yahay midnimada dalka Soomaaliya.

Waa maxay Hadalka sida qaldan loo dhigay?

RW Itoobiya oo dib ugu laabtay dalkiisa ayaa ka sheegay Telefishinka dalkiisa in Soomaaliya iyo Itoobiya ku heshiiyeen waxyaabo badan sida suuq ganacsi oo xor ah iyo is-dhexgalka bulshada gobolka. Waxaa kale oo uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya doonayaan hadda inay iska illaawaan taariikhdii hore ee collaadaha iyo is-naceybka ee Maamuladdii Siyaad Barre iyo Mingiiste.

Laakin waxaa buuq badan ka yimid hadal la sheegay inuu yiri intii uu ku jiray ka hadalkiisa heshiiskan, hadalkaas oo loo fasirtay inuu ula jeeday in Soomaaliya iyo Itoobiya hal dal noqanayaan.

Hadalsame Media