Ronaldo & Messi midkee ka muuqan doona Koobka Adduunka 2018? + Sawirro (Qaybtii 2-aad)

0

(Moscow) 17 Juun 2018 – Ku dhowaad gebi ahaanba waayohooda ciyaareed, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo waxay hardan iyo coltan adag ugu jireen midkoodii ugu baxnaansan barbaarta kubadda cagta, bishanna waxaa Ruushka ka furmaya KA201 oo ay markii 4-aad ka qayb gelayaan, kaasoo noqon kara koodii ugu dambeeyay.

Labada laacib ayaan se weli midigta ku dhigin Koobka Adduunka oo uu Messi aad ugu dhowaadey dufcaddii middan ka horreeysey, haddaba aynu eegno koodii gacanta sare yeelan kara sanadkan.

Brazil 2014 

Messi 

Kaddib markii uu seereeyay sanad-ciyaareedkii maxalliga ahaa oo uu bilaa koob ku dhamaystay, balse uu shakhsiyan joogo figta sare ee waayihiisa ciyaateed, KA2018 waxaa loo arkayay waqcad uu iska leeyahay wiilka reer Argentina ee Messi.

Bilowgii sidaa ayay u muuqatey, maaddaama uu gool dhalinayay ciyaar kasta oo heerka guruubyada ah, kuwaasoo ay ku jirto ciyaartii Iiraan oo uu gool cajiib ah dhamaadkii ka dhaliyay. Yeelkeede, waxba muu dhalinin ciyaarihii bug-baxda, xitaa kubadna muu dhigin kulankii ay 16-ka ku wajeheen Switzerland.

Messi sidoo kale wuxuu saf-wanaaje ka ahaa dhamaadka KA2014 oo ay Argentina koobkii ka xoogeen Germany. Tiiyoo ay taasi jirto misna FIFA ayaa si doodi ku jirto ugu abaalmarisay Xidiggii Tartanka, wuxuuna billaddaa guddoomey isagoo yaxyaxsan.

Ronaldo 

Waxaa jirta sabab loogu doodi karo in KA2014 uu Ronaldo soo taabtay halkii ugu hooseeysey waayihiisa ciyaareed. Wuxuu sitey koobka la jecloow ee Champions League, biladda qaaliga ah ee Ballon D’Or holder, wuxuu ahaa kabtanka dalkiisa – Cadaadis badanina wuu jirey.

Portugal, iyo Ronaldo, waa isku dhex yaaceen. Waxaana miirka loo dejiyay markii ay 4-0 uga badiyeen Germany, kahor intii aanay Maraykanku 2-2 ku celin.

Ronaldo wuxuu xafitay rikoodhkiisa inuu Koob Adduun kasta gool ku lahaado, markii uu daqiiqaddii 80-aad goolka guusha ka dhaliyay Ghana, balse waa bar kuma taallo oo Portugal waxay ku bexeen heerka Guruubyada oo way ka hareen Group G.

Hadalsame Media