SAWIRRO: ”Hub casri ah yaan laga iibinin dal Ruush naga raacay” – 44 xildhibaan oo sheegay in aan Turki laga iibin karin F-35

0
(Washington DC) 17 Juun 2018 – Koox sharci-dejiyayaal ah oo ka tirsan Koongarayska Maraykanka ayaa Wasiirka Gaashaandhigga James Mattis ku boorriyay inuu si deg deg u joojiyo iibka dayuuradaha casriga ah ee F-35 ee u dalban Turkey.

Nimankan ayaa booca ay ku kutubayaan kasoo goostay wax ay ku sheegeen walaac ay ka qabaan amaanka NATO maaddaama uu Turkigu Ruushka ka dalbaday hubka Ruushku sameeyo ee difaaca cirka ee S-400, isagoon dhegeysan cadaadiska Washington.

Todobaad uun ka yar ayaa ka harsan xilliga shirkadda farsamaysa hubkan ee Lockheed Martin ay Turkiga u daabuli lahayd qaybtii 1-aad ee dayuuradaha F-35A Lighting II, kahor hindise hor yaalla Senet-ka Maraykanka oo la doonayo in gebi ahaanba lagu mamnuuco in hub laga iibiyo Ankara, yeelkeede, 44 xildhibaan oo ku jira Koongarayska Maraykanka ayaaba haatan warqad u qoray Wasiirka Gaashaandhigga iyagoo ku doodaya inaan ”la fahmi karin” in hubkan casriga ihi u gacan galo dal Ruushka saaxiib la ah.

“Lama fahmi karo inaan tiknolojiyada F-35 ay gasho gacmaha Turki oo xiriir sii qoto dheeraanaya la leh Ruushka.” ayaa ka mid ah waxa ay qoreen.

Hadalsame Media