Isku socodka gadiidka waddooyinka Muqdisho oo caadi ku soo laabtay.

0

(Muqdisho) 17 Juun 2018 – Ciidamadda Ammaanka ayaa dhawr kii maalmood ee la soo dhaafey aad u adkeeyey ammaanka Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho waxaana sidoo kale ciidanka amnigu ku guulesyteen in Magaaladda aysan ka dhicin wax qaraxyo ah intii lagu jiray Bishii Ramadaanka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laakin cabsho badan ka timid dadka shacabka ah oo ay ku adkaatey inay helaan gaadiidka dadweynaha islamarkaana u kala gooshaan Magaaladda qeybaheeda kala duwan.

Warbaahinta gudaha ayaa aad u buun-buunisay xirnaashaha waddooyinka caasimadda. Saaka oo Axad ah ayaa laga dareemaya Magaaladda jawi wanaangsan iyadoo isku socodka gaadiidka dadweynaha qeybo badan oo ka mid ah Magaaladda ay caadi yihiin.

Maanta oo ah maalintii sadexaad ee ciidul Fidriga ayaa waxaa caasimadda laga dareemaya jawi deganaansho ah waxaana dadku inta badan ku ciideysanayaa goobaha la isagu yimaado sida xeebta Liido.

Hadalsame Media