Nin Soomaali ah oo dad ku laayay masjid ku yaalla Cape Town

0

(Cape Town) 14 Juun 2018 – Muwaadin La Sheegay Inuu Soomaali Yahay Oo Laba Qof Ku Dilay Masjid Ku Yaalla Cape Town – Koonfur Afrika Muwaadin Soomaaliyeed, oo la sheegay in xanuun xagga Maskaxda ah uu qabay, ayaa Muwaadin kale oo Soomaali ah iyo Nin South African ah Mindi (Tooreey) ku dilay Masjid ku yaalla Xaafadda Malmesbury ee Magaalada Cape Town.

Ninka weerarka gaystay oo magaciisa lagusoo gaabiyey Nuur, ayaa waxa uu sidoo kale isla weerarkaasi Mindida ah uu ku dhaawacay saddex qof oo kale, Police-ka ayaa isna islamarkiiba toogtay markii uu isku dayey inuu sidoo kale waxyeelo ugaysto Askarta goobta soo gaartay.

Weerarka, ayaa waxa uu dhacay xiliggii lagasoo baxay Salaadda Tahjudka, waxaana uu argagax ku beeray Muslimiintii Masjidka usoo cibaado tagay. Bil kahor ayey aheyd markii weerar midkan lamid ah lala beegsaday Masjidka Verulam oo ku yaalla Gobalka KwaZulu-Natal, kaasi oo Saddex ruux oo masjidka ku cibaadaysanayey ay naftooda ku waayeen.

Abdulrazak IndhaJaceyl

Hadalsame Media