DHEGEYSO: Warbixin dhinacyo badan ka taabanaysa xafladda furitaanka KA2018 (Tebintii Max’ed Xaaji)

0

(Moscow) 14 Juun 2018 – Kaddib markii sanado iyo bilo badan loo shin tirinayay waxaa lasoo gaarey furitaanka koobka ugu xiisaha badan ciyaaraha caalamiga ah ee adduunka ee ku magaca dheer KA, waxaana kulan-bilowga ciyaaraya Ruushka iyo Sucuudiga.

Tiiyoo ay jirto inuu tartanka marti gelinayo misna wax badan laga fili maayo Ruushanka, balse haddii ay wax dan ah ka leeyihiin inay ugu yaraan gaaraan wareegga 2-aad ee bug-baxda waa inay ka badiyaan xulka ay KA ugu dambaysay 2006-dii ee SC.

Sucuudiga Carbeed oo macallinkii 3-aad eryay muddo sannad ka yar, ayaa Iyana si wanaagsan uga war qaba in Ruushka oo ay garaacaan ay uga xiran tahay inay wax ra’yi ah ka dhiibtaan Wareegga iska furan ee Guruub A.

Halkan ka dhegeyso warbixin uu ka diyaariyay Maxamed Xaaji oo ah tifaftiraha Hadalsame Media

Waqtigee la furayaa KA2018?

Waxaa maanta oo ku began 14-ka Juun daaha laga rogayaa dufcadda 22-aad ee Koobka Dunida 2018, marka ay aminta maxalliga ihi tahay 3:30 galabnimo, taasoo ah 30 daqiiqo uun ka hor laadashada kubad bilowga KA2018 oo sanadkan oodda looga qaadayo dalka martigelina ee Ruushka iyo xulka Sucuudiga Carbeed.

Halkee lagu qabanayaa xafladda furitaanka?

Waa gegada 80 kun qaadka ah ee magaalada Moscow ee Luzhniki Stadium taasoo sidoo kale martigelin doonta ciyaarta dhamaadka ee lagu abyi doono KA oo ay sanadkan ka maqan yihiin xulalka waawayn ee Talyaaniga iyo Holland oo aalaaba ka mid ah shuclooyinka ciyaaraha adduunka.

Waxaa halkaa ku qabsoomi doona bandhig faneed lagu qaban doono Fagaaraha Cas ee magaalada Moskva.

Sanadan xafladda furitaanku waxay diiradda saari doontaa dhanka fanka waxaana ka tumi doona fannaanka reer Ingiriis ee Robbie Williams.

Waxaa kaloo ka qayb qaadan doona ilaa 500 oo ka kooban qoob ka ciyaare, dadka janiistikada iyo qaalma rogadka yaqaanan, iyo dadka ku dheereeya ciyaar dhaqameedka Ruushka ee Ballet-da.

FIFA ayaa sheegtay in sanadkan ay woxoogaa bedeleen qaabka xafladda furitaanka, tusaale ahaan waxaa diiradda la saari doonaa fanka, sidoo kale nus saac unbaa laga hormariyay xilliga la baasanayo ciyaarta Ruushka iyo Sucuudiga.

Yaa wehlin doona Robbie Williams?

Xiddiggii hore ee Take That waxaa wehlin doona Aida Garifullina oo ah Magoosha reer Ruush, Heesaaga Spanish-ka ah ee hees dhaqameedka Opera-ha ee Placido Domingo – oo ka mid ahaa heesayaashii KAItalia ’90 oo ay wehliyeen Luciano Pavarotti oo iminka mootan iyo José Carreras – ayaa isna madashada ka heesaya. Waxaa wehliya cod-yahanka reer Peru ee Juan Diego Florez.

Waxaan ka marnayn fanaaniinta maxalliga ee dhanka Opera-da sida Denis Matsuev, Anna Netrebko, Yusif Eivazov, Ildar Abdrazakov, iyo Albina Shagimuratova oo gebigood wada Ruushan ah.

Halku dhegga heesta rasmiga ah ee KA2018 waa  Live It Up waxaana qaadaya jilaaga Will Smith, Nicky Jam iyo fanaanadda reer Kosovo ee asal Albanian-ka ah ee Era Istrefi.

Maxamed Xaaji

Hadalsame Media