Dowladda & dadwaynaha midkoodna ma gudan waajibkii ka saarnaa amniga! (Sabab?)

0

(Muqdisho) 13 Juun 2018 – Ma lihi takhasus amni mana ahi ciidan balse nolosha ayaa ku bareysa in aad talo ku darsato wax kasta oo noloshaada saameynaya. Taasna waxaan kala mid ahay qiyaastii 3 Milyan qofood oo degen caasimada.

Dowladda iyo Shacabka midkoodna Ma gudan waajibkii saarnaa amniga hadane intaas Waa ay is eedeynayaan sababtoo ah Ma jirto Wax cad oo ay ku heshiiyeen oo qeexaya waxa laga rabo dowlada in ay sameeyso iyo waxa laga rabo shacabku in ay sameeyaan. Marka laga soo reebo hadalada joog ka tuurka ah ee ay xafladaha ka sheegaan madaxda iyo hogaanka ciidamada kuwaas oo ka codsada Shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha amniga.

– Sidee shacabku ula shaqeynayaa laamaha Amniga?
– Hadii aan arko khatar amni Ma jirtaa xaruun ama number aan ku wargelinayo?
– Yaa ii damaanad qaadayo amnigayga ka dib marka aan sheego khatar amni?

Shalay anigoo saaran Bajaj ayaan weydiiyey darawalka sida uu u arko jidadka Xiran ?
Wuxuu ku jawaabay : Magaaladan Waa jeclahay lakin ciidanka isku mid ayey ula dhaqmaan shacabka iyo cadawga, taasina waxay abuureysaa cadaawad loo qaado ciidanka”

Hadalka darawalka iyo sida xanaaqa leh ee uu u dhahay ayaan is dhahay way fiicnaan lahayd in fursad la siiyo oo wax badan la dhageysto
Dadka ay saameyso amni darrada iyo jid xiritaanka oo aan la wareysan Dadka social media ku jiro ee privilege ah ee aan ugu horeeyo.

Dowladu Waxa ay mandate u haysataa oo loo igmaday amniga shacabka. Hadii ay rabto in shacabka la shaqeeyana Waa in ay la imaato qorshe dhaama kan hada oo ay shacabku kula shaqeyn Karaaan. Qorshahana Ma ahan in uu noqdo mid 1 ama 2 Qof soo hindiseen ee Waa inuu noqdaa mid laga talo geliyey shacabka magaalada.

Shacabkuna waa inuu ogaadaa in amni darrada ay isaga saameyneyso, in jidka xirane uu saameynayo dhaqaalaha iyo nolosha magaalada sidaas daraadedna aan ku qasbannahay in aan joojino far isku fiiqa iyo is eedeynta oo aan bilowno in aan isku imaano, mideyno maskaxdeena iyo maalkeena kana tashano sidii aan ku heli lahayn amni iyo xasilooni.

Cidna Ma ahan in ay manno sheegato iyadoo dhahaysa “magaaladan amnigeeda meel dheer ayuu ka yimid” taasoo Inta badan u eg in la aamusinayo qofka wax dhaliilaya.
Waa in laga hadlaa SIDEE MAGAALADAN AMNIGEEDA MEEL DHEER KU GEYN KARNAA?

Hada iyo Dan!

Qalinkii: Cabdi Caddoow Nabadoone

Hadalsame Media