XOG: Arsenal & Torreira oo is afgarad gaarey!

0

(Genoa) 12 Juun 2018 – Wararka ka imanaya Talyaaniga ayaa tibaaxaya in Arsenal ay qodobada heshiiska la meel dhigtay laacibka kooxda Sampdoria ee Lucas Torreira.

Waxaa la sheegayaa in Gunners ay laacibka u bandhigtay adduun dhan €30m oo euro, si ay u qaadato laacibkan Uruguayan-ka ah, balse waxay dhibaato ka jirtey qodobbada heshiiska.

Yeelkeede, Gazzetta dello Sport ayaa haatan werinaya in kulan galabta dhacay horumar wayn laga sameeyay wada hadalka Torreira, waxaana haatan harsan waxyaabo yar yar kahor inta uusan laacibku saxiixin heshiis 5 sanadood ah.

Torreira ayaa qandaraaskiisa lagu fasiqi karey €25m, balse naadiga Premier League ayaa ogolaaday inuu bixiyo in woxoogaa ka yara badan, balse ay qayb qayb dhowr sano u kala bixinayso.

 

Hadalsame Media