Dal mid kale ku khasbay inuu magaciisa u bedelo sabab la yaab leh!

0

(Skopje) 12 Juun 2018 – Macedonia ayaa ugu dambayn ogolaatay inay magaceeda u bedesho Jamhuuriyadda Woqooyiga Macedonia si looga gudbo muran diblomaasiyadeed oo sanado kala dhexeeyay dalka Greece, oo ah dalka jamhuuriyaddan ka go’day Yugoslavia u qoonsaday ku biirista e EU iyo NATO.

“Macedonia waxaa loogu yeeri doonaa Republic of Northern Macedonia [Severna Makedonija],” ayuu yiri Zoran Zaev, oo ah wasiirka koowaad ee dalkaasi, oo maanta hadlayay, isagoo intaa raaciyay in magacaasi loo adeegsan doono maxalli ahaan iyo caalami ahaanba, iyadoo dastuurkana laga bedelayo halka ka khuseeysa arrintan.

Warkan ayaa imanaya kaddib markii uu telefoonka kula xaalay dhiggiisa Giriigga, Alexis Tsipras. Muranka ka dhexeeya Athens iyo Skopje ayaa soo taxnaa tan iyo 1991-kii, markaasoo ay Macedonia ka go’day Yugoslavia-dii kala daadatay.

Dalka Greece ayaa ku dooday in Jamhuuriyadda Macedonia oo iyaga la deris ihi ay magacaa uga dan leedahay inay ku sheegato gobol isla magacaa leh oo dhaca woqooyiga Giriigga, waxayna Giriiggu VETO saarayeen isku day kasta oo ay Skopje ku doonaysay inay ku biirto MY iyo NATO.

Macedonia oo sidoo kale ku biirtay Qaramada Midoobey sanaddii 1993-kii ayaa ku diiwaan gashan magaca Yugoslav Republic of Macedonia (FYROM).

Tillaabadan ayaa dalka Macedonia afti looga qaadayaa dayrta, iyadoo sidoo kale looga codayn doono baarlamaannada Giriigga oo weli arrintan ka biyo diidsan iyo Macedonia.

Hadalsame Media