NINKII I QALAY I QUUDIN MAAYO: Falastiiniyiinta oo diidey afur uu Imaaraatku ka qaybinayay Masjidka Qudus

0

(Qudus) 09 Juun 2018 – Gayfanayaan reer Qudus ah ayaa Twitter ka bilaabay sumad cusub oo la yiraahdo #MA BAAHNIN – #we are not hungry – si ay iskaga diidaan afur iyo cuntooyin ay Imaaraatku u qaybiyaan jamaacad Masjidka Al-Aqsa.

Waxay tillaabadooda u cuskanayaan in dalkan Khaliidka dhacaa uu yahay mid Israel ku taageersan qabsiga Falastiin, iyagoo xitaa halkaa usoo diray koox ka qayb qaadata tartanka baaskiillada caalamiga ah ee Giro d’Italia oo Qudus ku tartamay sanad-guuradii 70-aad ee kasoo wareegtey maalinta ar Falastiin u taqaanno Musiibada ama Naqba.

Guddiga Olombikada Falastiin ayaa ka qayb galka tartan ka dhacaya Israel ku tilmaamay khiyaano qaran lagu sameeyay halganka reer Falastiin

Waxaa beryihii dambe is bedelayay xiriirka dalal badan oo Khaliijka ah iyo Israel, ilaa xad sid ay sheegtay idaacad ku hadasha afka Cibraanigu in Imaaraatku ay dalkoodu ku casuumeen Wasiirka Warfaafinta Israel, iyadoo uu wasiirku sheegay inuu filayo in sidoo kale ay wefdi ka socda Imaaraatku dhowaan tagaan Israel.

Wakaaladda wararka Associated Press iyo Washington Post ayaa iyaguna weriyay in danjirayaasha dalalka Imaaraatka iyo Baxrayn ee Yousef Al-Otaiba iyo Abdullah Bin Rashed Al-Khalifa ay Washington DC kula kulmeen Raysal Wasaaraha Isarel ee Benjamin Netanyahu oo ay isku arkeen makhaayad ku taalla Washington.

Baxrayn ayaa sidoo kale ”dalxiisayaal” u dirtay Qudus maalmo yar uun kaddib markii uu Donald Trump Jerusalem si rasmi ah ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel bishii Disembar.

Hadalsame Media