Kooxda Real Madrid oo macallinkeeda cusub magacaabanaysa ka hor Koobka Adduunka

0

(Madrid) 09 Juun 2018 – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay ku dhawaaqi doonto macallinkeeda cusub ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka 2018.

Jariiradda AS ee ka soo baxda Spain ayaa warinaysa in Los Blancos ay qorsheynayso inay ku dhawaaqdo bedelka Zinedine Zidane ka hor Koobka Adduunka, si uu tababaraha cusub ugu diyaar-garoobo xilli ciyaareedka curanaya.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegay in Koobka Adduunka uu hoos u dhigi doono soo bandhigista macallinkeeda cusub, laakiin waxaa la warinayaa inay magacaabi doonaan macallinkooda ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka.

Zidane ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii tababarenimo ee uu ka hayay kooxda Real maalmo kaddib markii 3-1 ay guul kaga gaareen Liverpool kulankii Final-ka Champions League.

Koobka Adduunka ayaa shan maalmood kaddib ka bilaaban doona dalka Ruushka, Real Madrid ayaana la filayaa inay waqtigaas ka hor ku dhawaaqdo Macallinkeeda cusub, wararkii ugu dambeeyey maanta ayaana sheegaya in macallinka xulka qaranka Brazil ee Tite uu ka mid yahay musharraxiinta macallinka cusub ee Los Blancos.

Hadalsame Media