DHEGEYSO: Halkee degayaan ciidamada badda Itoobiya? Abiy Ahmed oo caddeeyay!

0

(Adis Abeba) 06 2018 – Dalka aan badda lahayn ee Itoobiya ayaa qorsheeynaysa inay dhisato ciidamo xooggan oo dhanka badda sida uu ka dhawaajiyay Raysal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy Ahmed oo la hadlayay madaxa Ciidamada Difaaca Qaranka dalkaasi.

“Annagoo raacayna qorshaha lagu xoojinayo ciidamada Difaaca Qaranka, waxaan dhisannay ciidamo ka mid ah kuwa ugu adag Afrika cir iyo dhul,” sida ay baahisay Fana Broadcasting Corp. “Waa in aan dhisnaa awood ciidan oo dhanka badda mustaqbalka.” ayuu daba dhigay.

Haddaba, Hadalsame Media ayaa haatan helay codka Wasiirka 1-aad ee Itoobiya oo arrintaa ka hadlaya, isagoo si cad u sheegay in ciidamadooda baddu ay saldhigan doonaan mid ka mid ah dalalka deriska ah, iyadoo ay Soomaaliya soo geleeyso dalalka deriska ah, weliba tahay dalka ugu badda dheer ee weliba dayacan. Halkan hoose ka dhegeyso…

 

”Xaqa ay Itoobiya u leedahay inay jibaaxdo biyaha caalamiga ah wuxuu u baahan yahay inay yeelato saldhig ciidamada badda ah, Itoobiya waxay saldhig millateri u yeelan kartaa si la mid ah dalalka kale ee saldhigyada ku leh gobolka, waxaanna saldhiggeenna ka samayn karnaa mid ka mid ah dalalka deriska ah, waxaan leennahay dad isku xiran, dib u dhiska ciidamadii badda Itoobiya oo lakala diray 1991-kii waa qayb ka mid ajendaha” – Wasiirka 1-aad ee Itoobiya Abiy Ahmed.

Hadalsame Media