AARSI CAJIIB AH: DAAWO…De Gea oo diidey inuu u sacbiyo Raysal Wasaaraha Spain + Sawirro (Sabab?)

0

(Madrid) 06 Juun 2018 – Kubad qabtaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa door biday inuu jeebka gacanta gashado halka ay sacbinayeen dhamaanba laacibiinta kale ee xulka Spain jeer uu u khudbeeynayay Raysal Wasaaraha cusub ee dalkaasi Pedro Sanchez.

Hoggaamiyaha Pedro Sanchez ayaa goolwalaha dhaleeceeyay markii laba sano ka hor uu ku lug yeeshay muran dhanka jinsiga ah, waloow David de Gea uu had iyo goor beeninayay ku lug lahaanshiyaha arrintaa.

Sanchez ayaa shir jaraa’id ka sheegay: ‘Kuma faraxsani inuu De Gea kubad qabte u noqdo qarankeenna.’

Yeelkeede, haatan De Gea ayaa muujiyay inuusan ku faraxsanayn khudbadda Wasiirka 1-aad isagoo kaga aarsaday inuu sacabka ka hagrado. 1-1.

Hadalsame Media