YAA BADIYAY YAASE BASAY? Natiijada ugu dambaysa ee dagaalka Tukaraq oo la saadaaliyay!

0

(Tukaraq) 29 Maajo 2018 – Waxaan ka soo dhaqaaqay xaafadayda anoo wata tuutihii ciidamada waxaanan soo aaday goob lagu diyaarinayo ciidanka si ay ugalaan dagaalka, hooyaday ayaa isoo wacaysay iyo qaar kamid ah ehelkayga waxayn ila haayeen joog lkn anigu waan diiday oo waxaan aaminsanaa in aan fulay ahay oon damiir lahayn hadii aan ka baaqdo dagaalka.

Goobtii baan soogaaray waxaanan dhinac kagalay safkii askarta, balse waxaan goobta kula kulmay zxpkay oo isna katirsanaa ciidanka. waxa khudbada noo jeeday niman suudad qaba oo sheegay inay kasocdaan madaxwaynaha
dabadeen waxay ku laabteen gawaaridoodii waxaana ay tali yayaashii nagu amreen inaan fuulno gawaarida dagaalkana toos u abaarno.

waa meel baadiyaa oo u dhaw TUKARAQ waxaana jira dhufaysyo badan balse xabada iyo hubka la adeegsanayo waa mid aadan uga baxsan karin dhufays,
waxaa dhinacayga ka dagaalamaya zxpkay balse Nasiib daro laba xabadood ayaa kaga dhacday xabadka, aad ayaanan uga naxay balse lafahayga ayaan uga cabsaday inaan gacan siiyo waayo waxaan ka baqay in xabaduhu igu dhacaan qudhayda.

MAXAA IS BEDELEY?

wax yar kadib xabad aanan gara nayn jiho ay iiga timid ayaa garabka iiga dhacday waanan awoodi waaye inaan sii dagaalamo, labadeenu ma aanan helin wax gurmad ah. zxpkay ayaa u geeriyooday dhawaacii soo gaaray balse anigu waan dhiig baxay lkn waa roonahay.

dagaalkii ayaa istaagay Meeshii ayaa nala kasoo qaaday waxaana nala keenay isbitaal, balse dhaawaca oo fara badan ma helin daryeel in mudaa waxaana isbitaalka iga soo qaaday ehelkaygii oo igu daweeyey isbitaal ay iyagu bixiyeen kharashkii ku baxayay zxpkayna eheladiisii baa aastay.

waa 02/06/2018

dagaalkii waa uu dhamaada oo shirar qarsoodiya ayay ku heshiiyeen maamuladii sidii bayna colaadii ku istaagte

waa 22/08/2018

waan roonahay waagii ayaana iigu danbaysay maamulkii aan katirsanaa iyo arimii qabiilka, waxaan booqday reerkii iyo caruurtii uu zxpkay kanaxay
iskadaa cid wax uqabatee xataa majirto cid soo booqatay oo kamida maamulkii uu udagaalamayay.

waa 16/04/2019

Madaxweynahaygii CABDIWALI CALI GAAS waxa uu joogaa MARAYKANKA ma ahan Madaxweyne oo wuu kuguul daraystay doorashadii dhacday horaantii sanadkaan. waxaana uu habayn danbe ka qayb galayaa Xaflada qalin jabinta wiilkiisa oo dhameeyay mid kamida jaamacadaha Maraykanka balse anigu halkaanan jooga walina waxaa iga muuqda dhaawacii sanad kohor iga soo gaaray daraadiis iskabada daaye imaba yaqaano oo ma oga inaan u dhaawacmay.

waa 08/07/2019

Madaxweynahaygii MUUSE BIIXI CABDI
waxa uu abuuca soo socda u dhoofi doona DIBADA si uu uga qayb galo xaflada qalin jabinta wiilkiisa oo dhameeyay jaamacad. waa madaxweyne isagu wali balse anigu halkaanan joogaa oo xitaa ma oga inaan u dhaawacmay isaga iyo maamulkiisa.

N.B qisadaan waxay qusaysaa dhalinyarada wali ku socda inay naftooda ku bixiyaan waxaan macno lahayn oo aduun iyo aakhiro seeg ah.

Xigasho: Maxamed Jaamac

Hadalsame Media