Wiil arday ah oo isu daldalay guuldarradii Liverpool darteed!

0

(Mbeya) 29 Maajo 2018 – Arday sanadkii 2-aad dhiganayay jaamacadda University of Mt. Augustine, Mbeya Compass ee gobolka fog ee Mbeya ee dalka Tanzania, oo la oran jirey Moses Mashaka ayaa la is sheegayaa inuu is miidaamiyay kaddib guuldarradii Liverpool kasoo gaartey dhamaadka Champions League oo ay 3-1 uga badisay kooxda Real Madrid.

Sarkaal u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Mussa Taib ayaa sheegay in Moses oo 24-jir ihi uu sharad qamaar ah la dhigtay rag kale oo uu kula sharatamay guusha kooxdiisa Liverpool oo uu ku dhigtay lacag fara badan sida lagu faafiyay warqaadka Global Publishers.

Yeelkeede, markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa la sheegayaa inuu soo xirtay qolkiisa isagoo deeto xarig uu saqafka ku xirtey iska soo lalmiyay ama daldaley.

Sarkaalka Taibu ayaa dhallinyarrada jaamacadda ku boorriyay inaysan lacagta waxbarashada ee uu waalidkood kusoo daaley u adeegsanin arrimo aan khuseeynin waxbarashada.

Hadalsame Media