Xiriirka Yurub ee Judowga oo sheegay in tabtii uu Sergio Ramos u adeegsaday Mohamed Salah ay xitaa mamnuuc ka tahay Judowga

0

Xiriirka Midowga Yurub ee ciyaarta Judowga ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu maanta ku caddeeyay in farsamadii uu Daafaca kooxda Real Madrid iyo xulka Spain, Sergio Ramos u adeegsaday Weeraryahanka Liverpool iyo xulka Masar, Mohamed Salah ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Koobka Horyaallada Yurub Sabtidii ay tahay mid xitaa ka mamnuuc ah Judowga iska daa kubadda cagtee.

Xiriirku wuxuu sheegay in qaabkaasi uu Ramos u xiray garabka Mohamed Salah lagu magacaabo ‘Waki Gatame’, taasoo ah hab aad khatar u ah oo ka mamnuuc ah ciyaarta Judowga.

“Qaabkaas lagu xirayo garabka waa ka mamnuuc Judowga, laakiin kubadda cagta way ku filan tahay in kuu horseeddo inaad ku guuleysato Koobka Champions League.” ayaa lagu yiri qoraal lagu qoray bogga twitter-ka xiriirka Yurub ee Judowga.

“Qaabka Waki Gatame waa halis sidaa darteed waa ka mamnuuc ciyaarta Judowga” ayuu xiriirku sii raaciyay qormadiisa.

Salah ayaa laga saaray ciyaartii kama dambeysta Koobka Horyaallada Yurub ka gadaal markii uu sababsaday dhaawacaasi uu garabka ka gaarsiiyay Ramos, kaas oo halis geliyay ka qayb galkiisa Koobka Adduunka 2018 ee 14 bisha dambe ka furmi doona Ruushka.

W/D: Yaxye Yuusuf

Hadalsame Media