Shan ciyaaryahan oo ka dheela horyaalka Serie A kuwaasoo ku wajahan xagaagan horyaalka Premier League

0

Kaddib markii horyaalka Serie A uu soo idlaaday todobaad kaddib waxaa la ogaaday in shan ciyaaryahan ay isaga tagi doonaan horyaalkan isla markaana ay suuqa xagaagan ku wajahan yihiin horyaalka INgiriiska ee Premier League.

Waxay u badan tahay in ciyaaryahannada aad hoos ku aragtaan magacyadood ay xilli ciyaareedka soo socda ka soo muuqan doonaan horyaalka English Premier League.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shanta ciyaaryahan ee horyaalka Serie A ka ciyaara kuwaasoo ku sii jeeda horyaalka Premier League suuqa xagaaga.

Gonzalo Higuain oo ku wajahan Chelsea: Heshiiskan waxaa la warinayaa inuu yahay mid isdhaafsi ah oo Morata uu u wareegi doono dhanka Juventus waxaana warbixintan qortay Tuttosport.

Stephan Lichtsteiner oo ku wajahan Arsenal: Heshiiskan waxaa la sheegay inuu yahay beeca xorta ah, waxaana xogtan qoray Fabrizio Romanooo ka tirsan The Guardian.

Douglas Costa oo ku wajahan Manchester United: Heshiiskan ayaa la sheegayaa inuu ku kacayo 75 milyan oo gini, waxaana xogan lagu daabacay Corriere dello Sport.

Jorginho oo ku wajahan Manchester City: Heshiiskan waxa uu ku kacayaa adduun lacageed u dhexeeya 45 milyan oo euro illaa 60 milyan oo euro, waxaana xogtan lagu qoray La Repubblica.

Sergej Milinkovic-Savic oo ku wajahan Arsenal: Heshiiskan ayaa la sheegay inuu ka kacayo adduun dhan 150 milyan oo euros oo ay diyaar la tahay Gunners, inkastoo xiddigan ay xiiseynayaan kooxaha Man United, Real Madrid iyo PSG, waxaana warbixintan lagu qoray Sport360.

Hadalsame Media