Sababta xulkeena loogu reebay xiddigihii taariikhda Sameeyay  oo la ogaaday

0

(Muqdisho) 28 Maajo 2018. Waxaa si hor dhac ah loo ogaaday sababta xulka qaranka Soomaaliya ciyaartooyda da’doodu ka hoosayso 17-ka sanno loogu reebay xiddigaha ka ciyaara horyaalka Somalia Premier League.

Ciyaaryahanada  guusha u keenay qarankeena ee kala ah  C/raxmaan, C/wali, Cali Xabad, Ismaaciil, Baashi Cadde, Xamza, Farxaan Duqoo iyo Ayuub ayaa dhamaantod laga reebay safarka xulka oo ku wajahan Tanzania.

Sababta qaranka loogu reebay xiddigahaas ayaa lagu sheegay in da’doodu  ay ka wayn tahay 17 sanno, in kastoo ay jiraan warar kale oo la isla dhexmarayo oo aan soo gudbin doonno haddii ALLE idmo.

Xiriirka Kubadda cagta qaaradda Afrika ee CAF iyo kan Bariga iyo Bartamaha Afrika CECAFA ayaa waxaa u dhaxeeya farqi wayn markii la eego magac ahaan iyo qabashada tartamada.

CAF ayaa baaritaano adag ku sameeya da’da ciyaartooyda kolkii ay qabanayaan tartanmadeeda ka hooseeya 23-ka sanno.

Iyadoo la tix raacayo  2012-kii  xulkeena ayaa  Wajahay Sudan kullan ka tirsan tartanka ciyaartooyda da’doodu ka yartahay  17-sanno ee CAF.

Xilligaas wadankeena ayaa ku adkaaday 1-0 oo uu dhaliyay xiddiga Mayman, ha yeesha CAF ayaa dhibcaha ka qaaday qarankeena.

Xiddiga Daa’uud Tubaal oo ka qayb qaatay safarkaas ayaa sabab u ahaa in dhibcaha laga qaado xulka, inkastoo ay jireen xiddigo da’doodu ay ka wayn tahay 20 sanno oo qaranka xilligaas ma talayay.

Macallin Salaad ayaa u sheegay xiddigahaas in loogu yeeray qaranka 20 sanno jirada oo tababarkooda billaabaya Arbacada ina soo aadan.

“CAF baritaankeedu waa mid adag oo mararka qaar la isla gaaro  mashiin da’da lagu ogaado sidaa daraadeed,waxaa la idinka reebay safarka Tanzania ayuu macallin Salaad ku yiri xiddigaha Qarankeena.

Hadalsame Media