DAANDAANSI & DAGAAL AFEED: Shiinaha & Maraykanka oo dagaal qarka u fuulay! (Maraykanka oo maraakiib dagaal diray!) + Sawirro

0

(Beijing) 28 Maajo 2018 – Maraykanka ayaa markii ugu horreeysey laba markab oo nooca dagaalka ah marsiiyay mandiqadda lagu muransan yahay ee gasaa’irka South China Sea, taasoo ah tillaabo ay aad uga carootey Beijing.

Sarkaal Maraykanka u hadlay ayaa CNN u sheegay in markabka burburiyaha ah ee xambaara gantaalaha nooca la hago ee USS Higgins iyo markabka dheereeya ee USS Antietam ay 12 mayl oo qura usoo jirsadeen gasiiradaha Paracel Islands wax ay Maraykanku ku sheegeen ”howlgalka xornimo socodka” (FONOP), taasoo ay u cuskanayaan inay xaq u leeyihiin inay mari karaan biyaha caalamiga ah. Arrintan ayaa sida ay werinayso wakaaladda wararka Reuters, dhacday shalaytoole.

Ian Storey, oo ka tirsan hay’adda ISEAS Yusof Ishak Institute, ayaa CNN u sheegay inay tahay markii ugu horreeysey xilliga maamullada kala dambeeya ee Obama iyo Trump ay halkaa marsiiyaan wax ka badan hal markab dagaal.

“Waxay u muuqataa inuu Maraykanku moowqif adag ka joogsanayo arrinta jasiiradaha South China Sea … balse dabcan ma cadda inay arrintani saamayn ku yeelan doonto hab-dhaqanka Shiinaha iyo haddii kale,” ayuu yiri.

Wasaaradaha Dibedda iyo Gaashaandhigga China ayaa Washington ku eedeeyay inay usoo xaluusheen gayi uu leeyahay dalka Shiinuhu markii ay usoo dhowaadeen gasiiradahan, iyadoo uu afhayeen u hadlay Shiinaha, Lu Kang, uu Maraykanka ugu baaqay inay joojiyaan falalka daandaansiga ah ee wax u dhimaya amaanka iyo madax banaanida gayi ee dalka Shiinaha.

Hadalsame Media