HORDHAC: Liverpool vs Real Madrid – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ee Final-ka Champions League

0

Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa caawa ciyaaraya kama dambeysta koobka ugu weyn heerka kooxeed ee qaaradda yurub, waxey isku arki doonaan magaalada Kiev ciyaar lakala bixi doono taasoo midood ay noqon doonto boqoradda yurub.

Real Madrid waxey isha ku heysaa iney markeedii 13-aad kor u qaado koobka dhagaha weyn halka Liverpool ay isku diyaarineyso markii 6-aad iney hanato koobka tiiyoo ay jirtoin Los Blancos ay markii sadexaad oo xiriir ah ku taameyso tartanka iney hanato.

Labadaan kooxood in ka badan rubuc qarni ka hor ayaa isugu dambeyay iney final-ka tartanka yurub ee heerka kooxeed isku arkaan waxeyna aheyd 1981 markaasna waxaa 1-0 ku awood sheegtay Liverpool.

OGEYSIISKA KULANKA:

Kulanka: Liverpool vs Real Madrid

Tartanka: Champion League

Garoonka: NSK Olimpiyskiy

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Milorad Mazic (Serbia)

Wararka Labada Kooxood

Zinedine Zidane kaliya hal dhib ayuu wajahi doonaa waana kala doorashada Gareth Bale iyo Karim Benzema, dhibaatooyin dhaawac kooxda ma heystaan weyna u caafimaad qabaan inta ugu badan ciyaartoydiisa.

Ronaldo ayaa rajeynaya inuu jabiyo rikoorkiisa goolasha ugu badan ee hal fasal laga dhaliyo tartanka, balse aad ayuu uga fogyahay, wuxuuna u baahan yahay inuu dhaliyo wax ka badan 3-gool.

Dani Carvajal ayaa la galinayaa shaki maadaama uu dhawaan dhaawac kasoo toosay, hadii uu taam buuxa noqon waayo Vazquez ayaa ciyaari doona.

Dhanka Liverpool waxaa kooxda dhaawac uga maqan Chamberlain, Matip iyo Gomez kuwaas, halka shaki yar la galinayo Milner, Can iyo Lallana.

Milner wuxuu rajeynayaa inuu gool caawiyo caawa si uu u dhaafo rikoorka Rooney iyo Neymar ee hal fasal la caawiyo kulamada tartankaan.

Shaxda Macquulka Ah:

Real Madrid: Navas; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos, Asensio; Bale, Ronaldo

Liverpool: Karius; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Wijnaldum, Henderson, Milner; Salah, Firmino, Mane

Xogta Kulanka:

Caawa waa markii 9-aad oo ay laba kooxood oo horay isugu arkay final-ka tartankaan is arki doonaan, waxaa la xasuustaaa 37-sano ka hor iney isku arkeen Paris markaas oo Liverpool ay 1-0 ku guuleysatay.

Markii ugu dambeysay oo ay labada kooxood is arkaan waxey aheyd 2014/15 waxeyna isku arkeen wareega group-yada, Reds oo uu ka tagay Suarez waxey la kulmeen laba guuldaro (3-0) iyo (1-0)