Muuqaal laga helay Ciidamo Canadian ah oo fal xil leh kula kacaya Kitaabka Qur’aanka + Sawirro

0

(Saint-Jean) 26 Maajo 2018 – 4 askari oo Canadian ah ayaa lasoo weriyay inay fal xil leh kula keceen kitaabka Qur’aanka Kariimka, iyagoo hilbo doofaar ku maluuqay isla markaana waxyaabo kale oo liita ku sameeyay mar ay xafladaynayeen xilligii Easter-ka 31-kii Maarso, sida uu muujinayo muuqaal la helay.

Waxaa la sheegayaa in 3 ka mid 4 askari oo ahayd arday dhiganaysay kuliyadda ciidamada ee Saint-Jean oo ku taalla gobolka Faransiiska ku hadla ee Quebec halkaasi laga eryey, halka midka 4-aad loo digey talooyinna la siin doono.

Muuqaalkan anshax xumada muujinaya ayaa soo ban baxay 10-kii Abriil kaddib markii ay ardaydii kale ee xafladda joogtey guddoonsadeen inay foolxumada dhacday u sheegaan taliyayaasha ka sarreeya.

Sida uu sheegay Sarreeye Gaas Charles Lamarre, waxaa markiiba la bilaabay baaritaan ku aaddan shilka dhacay, isagoo tibaaxay in ardaydii ciidan ee arrintan ku lug lahayd ay jebiyeen xeerarka u degsan hab-dhaqanka ciidamada Canada.

Lamarre ayaa sheegay in xurmo-tiridda shacaa’irta diin kasta oo uu sameeyo qof ka tirsan ciidanka Canada aan loo dulqaadan doonin, haddii uu arday yahay iyo haddii kale.

“Dhaqan xumada noocan ihi waxay ka hor imanaysaa waxyaabaha aasaasiga ah ee aannu rumaysan nahay mana loo dulqaadan doono, gaar ahaan kulliyadda RMC Saint-Jean, oo ah halka lagu tababaro hoggaamiyayaashii mustaqbalka hoggaamin lahaa ciidamada Canada.” ayuu ku dooday Sarreeye Gaas Charles Lamarre.


Hadalsame