WAR CUSUB: Wada hadalkii baaqday ee Trump-Kim oo qabsoomi kara!

0

(Washington DC) 25 Maajo 2018 – Madaxwayne Donald Trump ayaa markale muujiyay inuu weli diyaar u yahay kulan-madaxeedkii aadka loo dhowrayay ee uu la yeelan lahaa madaxwaynaha North Korea ee Kim Jong Un kaasoo horay loogu qabtay Juun 12.

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa sheegay inay mar kale dib u furmeen khadadkii xiriir ee ka dhexeeyay labada madaxwayne, kaddib markii saraakiil Maraykan ihi ay horay u sheegeen in ay kansaleen wada hadalkaasi, iyagoo eedda saaray TALISKA Kim.
“Waan arkaynaa waxa dhaca. Haatan wada hadal baan kula jirnaa,xitaa wuxuuba kulanku dhici karaa isla 12-ka Juun, war fiicanina wuu kasoo yeerey,” ayuu yiri Trump oo ku sugnaa qaybta South Lawn ee Aqalka Cad kahor intaanu raacin helikobtar u qaadday Dugsiga Ciidamada Badda ee US Naval Academy oo ku yaalla Maryland, oo uu khudbo ku lahaa.
“Kulanka aad bay u doonayaan, lafteennuna waannu doonaynaa.” ayuu raaciyay Trump.
Hadalsame