Pakistan oo mamnuucday in aflaamta Hindiga ah la daawado xilliga….

0

(Lahore) 25 Maajo 2018 – Pakistan ayaa si KMG ah u mamnuucday daawashada aflaamta Hindiga ah inta lagu jiro Ciidul Fitriga soo aaddan.

Sida ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Pakistan waxaa xilliga ciidda sineemooyinka laga hakiyay sii daynta aflaamta Hindiga iyo aflaamta kale, laba maalmood ciidda kahor iyo labada todobaad ee ka dambeeysa.

Sarkaal u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in tillaabadan ay codsadeen hay’adaha aflaamta soo saara ee dalkaasi Pakistan si fursad loo siiyo suuqa maxalliga ah oo heli doona 4 maalmood oo xilliyada ciidda ah, iyadoo mudadaa aan lasii dayn karin wax filim ah oo ka yimid Bollywood iyo Hollywood.

“Mamnuucan KMG ah waxaa loosoo rogey in la horumariyo aflaamta iyo mehrejaannada maxalliga ah, waxaana lagu beegay xilli ay caadiyan dad badani saneemooyinka tagaan si ay u daawadaan aflaam,” ayuu yiri nin u hadlay Jimciyadda Aflaamta Pakistan.

Mamnuuciddana ayaa sidoo kale khuseeyn doonta Ciidul Adxaa oo ku beegan dabayaaqada Agoosto ama horraanta Sebtember, waxaana caadiyan aflaamta Pakistaniga ah suuqa ku ciriiriya kuwa Hindiya iyo Maraykanka ah, waxayna tani fursad siin doontaa aflaamta Pakistani-ga ah oo ay ku jiri doonaan qaar cusubi.

Hadalsame