Xisbiyada siyaasadda Soomaalida waxaa nuxurka ka qaadaya aydolojiyad la’aan! (Akhri)

0

(Hadalsame) 17 Dis 2018 – Xisbiyada siyaasadeed ee Soomaalidu, maanta iyo weligoodba, magac xisbi la ma baxaan ee wax ay la baxaan magac urur bulsheed ama mid samafal. Ka soo bilow Xiriirka Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL), Xidhiidhka Qarannimada Soomaaliyeed (SNL), ku soo xeji UCID, Kulmiye, Waddani iyo ka maanta Xamar la ga ga dhawaaqay ee Himilo.

Magacyadaa iyo kuwa la midka ah waxa nuxurka siyaasadeed ka qaadaya ee macne bulsheed iyo samafal siinayaa waa iyaga oo aan lahayn macne aydoolojiyadeed ama aragti la rumaysan yahay oo sheegaysa dhanka siyaasadda dalka loo wadayo.

Haa, waa magacyo iska yeelyeel ah ee aan aragti la qabo ka turjumayn. Wax aan la yaabi jiray xisbi is ka yeelyeel ah oo Masar ka jiri jiray lana dhihi jiray al-Wafd. Maxaa wafdi ah? Xitaa Ikhwaan Muslimiin ma laha nuxur siyaasadeed, waayo xisbiyada dal muslin ah ka jiraa waa wada ikhwaan muslimiin.

Inta aan xisbi la dhisin horta waa in ay jirtaa aragti siyaasadeed oo dadka xisbigaa dhisayaa rumaysan yihiin kuna midaysan yihiin, dadka u codayn doonaana ku raaci karaan.

Tusaale ahaan labada xisbi ee Maraykanka magacyadoodu wax ay sheegayaan nuxur aydoolojiyadeed oo waqtigeeda la timid. Jamhuurku wax uu liddi ku ahaa hannaankii boqortooyada UK ee berigaa la ga xoroobayay, halka Dimuqraddigu u taagnaa hirgelinta sinnaanta iyo xorriyadda dhulkaa ku cusbaa.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media