Israel oo ku faantay inay samaysatay gantaal duqayn kara dal kasta oo Bariga Dhexe ah

0

(Tel Aviv) 17 Dis 2018 – RW Israel ee Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu dalkiisu dhisayo wax uu ku sheegay “gantaalo nooca weerarka ah” oo awooda in ay duqeeyaan dal kasta oo ka tirsan Bariga Dhexe.

RW Netanyahu ayaa ka hadlayay meel lagu soo bandhigayay horumarka ay Yuhuuddu ka gaartey tiknolojiyadda ciidamada iyo Cirka Sare mar uu booqday Israel Aerospace Industries (IAI), taasoo ah sharikad iminka dhiseeysa gantaalo uu Netanyahu ku falax gooddiyay inay leeyihiin  “awood aanu lahayn dalka”.

People watch S-300 air defense missile systems launching missiles at the Ashuluk shooting range outside Astrakhan, Russia, August 5, 2017 © Reuters / Maxim Shemetov

SAWIRKA: Gantaalaha S-300 ee ay Israel uga cabsato cirka Suuriya

Gantaalahan ayuu sheegay “inay gaari karaan meel kasta oo gobolka ka mid ah kuwaasoo ka mid ah awoodda dheeraadka ah ee ay Yuhuuddu leeyihiin farsamo ahaan,” isagoo u faanay dalalka Carabta iyo Muslimka ah ee gobolka oo ka badin la’ inay iyaga u kala dhuuntaan.

Hadalsame Media