MINNNEAPOLIS: Waxaa uu iska soo jaray Bastoolad! Booliska oo qabtay nin handaday dhalinyaro Soomaali ah

0

(Minneapolis) 04 Dis 2018 – Booliska Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay qabteen nin hubeysanaa oo handaday koox dhalinyaro Soomaali ah kuwaas oo uu ugu hanjabay dil xili ay wada joogeen Maqaaxi lagu magacaabo McDonald.

Laga shakisanaha ayaa lagu magacaabaa Lloyd Johnson waxaana uu mudan doonaa xukun fal dambiyeed halis taasoo la filayo in lagu qaado markii uu maxkamada ka soo hor muuqdo.

Sida ay sheegeen dadka soo eedeeyay Lloyd Johnson, oo gaaraya labo hablood kuwaas oo raashin ka gadanayay maqaaxida McDonald, waxay sheegeen inay aad uga xumaadeen ugana argagaxeen falka lagula kacay.

Johnson ayaa dhabarka dambe ka soo istaagay gabdhahaan oo Soomaali ah waxaana uu ku hadlayay hadalo u muuqday faquuq isagoona ku sifeeyay gabdhahaan kuwa aan ahayn muwaadiniin dhab ah.

Markii gabdhihii gadaal u soo fiiriyeen ayaa Johnson waxaa uu u duubtay Feer isagoona faruur yihiisa qaniinayay, kadibna waxaa ku soo xoomay dhalinyaro kale oo Soomaali ah, waana markaas markii inta uu dib u booday la soo baxay Bastoolad.

Booliska ayaa deeto isticmaalay teleefanka gacanta iyo kaamirooyinka qarsoon ee ku xirnaa Maqaayadda McDonald waxaana taasi ay u sahashay inay gacanta ku dhigaan ninkaan laga shakisanyahay ee lagu magacaabo Johnson.

Qaryaqaanka ahna dacwad ooggaaha Minnesota Hennepin ayaa sheegay in Johnson uu ku kacay wax walba oo sababi karay iska hor’imaad dhibaato ka dhalan kartay.

Hadalsame Media