SAWIRRO: ”20 sano halla iga jaro si aan u helo haween & shaqo!” (Maxkamad go’aan kasoo saartay!)

0

(Arnhem) 04 Dis 2018 – Oday 69-jir ah oo isku dayay inuu nidaamka Holland ku khasbo inay da’diisa ka dhimaan 20 sano ayay soo jeedintiisa ku gacan sayrtay maxkamad dalkaasi ku taalla.

Emile Ratelband oo ku dooday in uusan ‘dareensanayn’ inuu howlgab ama beenshin yahay ayaa sheegay in da’diisa laga dhigo 49 si uu usoo jiito haween fara badan oo laga heli karo webabka lagu haasaawo iyo shaqo ayaa guuldarraystay.

Bishii tagtay ayuu ninkan oo isku sheega ”macallinkii samaanta” ama ‘positivity guru’ wuxuu maxkamad ku taalla Arnhem si toos ah u hordhigay dalab ah in da’diisa laga keeno Maarso 11, 1949-kii oo ah goortii uu dhashay, oo loo soo wareejiyo Maarso 11, 1969-kii.

Hadalsame Media