TIRAKOOB: Soomaalida Kenya oo noqon doonta QOOWMIYADDA ugu tirada badan dalkaasi

0

(Wajeer) 04 Dis 2018 – Labada toban-sanaale (20 sano) ee soo aaddan, Soomaalida ayaa noqonaysa qoowmiyadda ugu tirada badan Kenya haddii ay wax ku socdaan sida ay haatan yihiin.

Sahankii ugu dambeeyay ee Household Survey ayaa muujinaya in dhalmada qoyska Soomaaliyeed ay ugu yaraan hal iyo bar celcelis ahaan dheer tahay midda qoowmiyaadka kale ee Kenya guud ahaan, welibana ay ugu yaraan laba jeer celcelis ahaan ka badan midda qoysaska degmooyinka Nyeri, Nairobi, Mombasa iyo Kiambu.

Degmooyinka Wajeer, Mandera iyo Garissa oo ah dhulka Soomaalida ayaa celcelis ahaan wuxuu qoyskiiba soo saaraa 6 ilaa 7 carruur ah, sida ku xusnayd tirakoobkii ay samaysay Kenya Integrated Household Budget Survey (KIHBS), 2015/16.

Wajeer ayaa kaalinta 1-aad ku jirta oo leh 6.6 carruur ah qoyskiiba, waxaa soo raaca Mandera 6.4 iyo Garissa 5.5 oo xubnood qoyskiiba, halka degmooyinka kale sida Tana River iyo West Pokot ay yihiin 5.4, sida ay sahmisay Hay’adda Qaran ee Tirakoobka Kenya ee Kenya National Bureau of Statistics (KNBS).

Tan iyo xorriyaddii, waxaa qoowmiyadda Kenya ugu badan ah Kikuya-da oo ah 17%, waxaa soo raacda Luhya, oo taagan 14%, kaddibna Kalenjin-ta oo ah 11%, iyadoo ay Kenya ku nool yihiin ilaa 42 qoowmiyadood oo kala nooc ah.

Soomaalidu waa qoowmiyadda ugu koritaanka badan marka guud ahaan loo eego Kenya, tusaale ahaan Gobolka Woqooyi Bari wuu seddex laabmay, isagoo 1999-kii ay ku noolaayeen 962,143, balse 2009 waxay gaareen 2.3 milyan oo madax.

Hadalsame Media