FAALLO: Soomaali Galbeed go’aankoodu ma cadda?!! (Taariikhdu ma isa soo celin doontaa markale?!)

0
187

(Hadalsame) 01 Dis 2018 – Beriigii uu xukunka qabsaday Tigreegii uu hoggaaminayay Meles Zenawi waxaa la sheegay inuu aad ugu xil hayey Soomaalida guud ahaan, balse markii uu arkay inay Somalia dagaal sokeeye iska camiratay, Soomaali Galbeedna kala noqotay firqo aan lahayn han siyaasadeed oo ka badan xafiiltan gudeed oo dhexdooda ah ayuu siduu doono ugu taliyay labada dhinacba, isagoo xaalad deg deg ah geliyay Gobolka Soomaalida, Soomaaliyana ku caawiyay inay sii qaybsanto oo is qalato.

Iminka oo uu Itoobiya qabsaday RW Cabbeey Axmed waxaa muuqata inay weli wareersan tahay talada Soomaaliyeed dhan kastaba, taasoo dhallin karta sennaariyo la mid ah midkii hore.

Qoraaga Ibraahim Hawd ayaa qoraal uu arrintaa kaga hadlayo wuxuu ku bilaabay qaabkan:

Umadda reer Soomaali Galbeed Alle wuu ka dul qaaday hooggii Tigreega iyo Ina Iley ee is watay. Dabayl caafimaad baa dhacaysa, niyadda iyo yididiilada dadkuna aad bay u sarraysaa. Waxaa muuqda hoggaan fayow, dad ururin, midayn iyo dhayidda dhaawacyadii la soo maray. Laba arrimood ayaan se qorshahooda weli la is la caddayn oo mugdi ku jira, sida muuqata.

1. Isbeddelka ka dhacay Gobolka Soomaalidu waa isbeddelka weyn ee Itoobbiya ka socda. Haddana wax aad mooddaa in hoosta uun la gu foororo oo aan qorshe siyaasadeed oo dhisan la gu la socon waxa Addis Ababa ka dhacaya iyo xaaladda kalaguur ee dalweynahaasi marayo, oo aad muhiim u ah.

2. Gobolka Soomaalida in kasta oo isbeddel wanaagsani ka socdo haddana waxaa cad in aan dhab loo dajin qorshaha waxa la ga damcay aayaha dambe ee gobolka, waxaana aad isu gu dhex daadsan aragtiyihii badnaa ee jiray, tii ONLF ee xornimo doonka ahayd, tii ka mid ahaanshaha Federaalka Itoobbiya iyo ta qubanaha ah ee raadinta Soomaaliweyn.

Hoggaanka gobolka ee cusub iyo kaadirradiisa badankooda afkooda iyo dhaqankooda waxaa ka dhadhama ku dhaadashada “Soomaalinnimada”, ilaa qaarkood diidaan in gobolka la gu sheego Itoobbiya.

Calanka Jamhuuriyadda ayaa aad u ga dhex muuqday Jigjiga iyo Diridhabe. Laakiin in dareen laablakac leh oo ilaa heerkaas ah dadka la gu abuuro iyada oo aan loo hayn istiraatijiyad siyaasadeed oo taa ka turjumi kartaa waa halis keeni karta fawdo weyn.

Waxaa loo baahan yahay in si dhab ah oo dhakhso ah loo caddeeyo siyaasadda masiiriga ah ee la gu shaqaynayo dadkana la gu wacyigelinayaa ta ay tahay.

Ma kaalinta Soomaalidu ku yeelanayso federaalka Itoobbiya ayay tahay in la xoojiyo oo la adkeeyo, taas oo ku iman karta xoojinta iyo qurxinta maamulka gobolka iyo midaynta dadkiisa iyo is la markaa ku milanka iyo wax ku yeelashada isbeddelka Addis Ababa ka socda?

Mise in la keeno siyaasad cad oo si miiggan u ga shaqaynaysa madaxbannaani iyo dawlad gaar ah ama Soomaaliya ka mid noqota, tan oo u baahanaysa dhiirranaan weyn iyo siyaasad nafhurid badan leh? Qodobkan dambe suuragalnimadiisu wax ay ku xidhan tahay isbeddelka Itoobbiyada dhexe ka socdaa dhanka uu u dhaco iyo qodobka 39 ee dastuurka Itoobbiya in uu shaqeeyo ama shaqayn waayo.

Se ha la ogaado umadda haddii aan dhan uun loo jihayn, ama dareen aan loo ga turjumi karayn la gu abuuro, waxaa ka dhalan kara khasaare weyn.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media

Facebook Comments