Mourinho oo ka xanaaqey kaddib markii loo diidey Kalidou Koulibaly (Man U oo samaysay dalab waalli ah!)

0

(Napoli) 01 Dis 2018 – Kooxda SSC Napoli ayaa diiddey dalab ku kacaya €103m oo euro oo ay Kalidou Koulibaly ku doonayso kooxda Manchester United, taasoo ka caraysiisay Jose Mourinho.

Sida ku dhigan Corriere dello Sport, waxaa markiiba miinka ka cuskaday  Aurelio De Laurentiis kaasoo ahaa qiyaastii £91.4m oo gini oo lagu rabo adeegga laacibkan caalamiga ah ee reer Senegal ee dambeedka dhexe, kana mid ah 5-ta laacib ee Afrika ugu wanaagsan ee BBC African Player of the Year Award.

Mourinho ayaa Jimcihii shalay isagoo caraysan sheegay inay hadda kaddib ku adkaan doonto inuu laacibiin soo iibsado taasoo ay ugu wacan tahay sida uu u dhigay qiimaha sii kordhaya, isagoo tixraacayay dalabka fashilmay ee Koulibaly, waloow ay dad kale qabaan inay laacibiintu badiyaa kooxdiisa u diidaan isaga dartii.

Hadalsame Media