DAAWO: Yaman oo Sucuudiga ku noqotay Vietnam-tii Carabta!! (Maxaa keenay inuu Sucuudigu ka adkaan waayo jabhad isagoo haysta hubka ugu casrisan?)

0

(Hadalsame) 01 Dis 2018 – Dagaalka Yaman ayaa iminka qaatay magaca Vietnam-kii Carabta iyadoo ay muuqato in ay Sucuudigu durba ku dhiiqdeen dagaalkaasi, tiiyoo ay jirto ay haystaan ciidan lagu tilmaamay kuwo ka mid kuwa ugu qalabka wanaagsan caalamka oo idil.

Sucuudiga ayaa ku qalabaysan ilaa 180 dayuuradood oo kaliya ah kuwa guuxooda ka dheereeya ee miigga ay Soomaalidu u taqaan iyo 300 kun oo askari oo rigli ah oo dhanka Xoogga ah. Yaman ayaa dhanka kale ku dagaallamaysa wax ka bilowda 80 kun oo weliba qaybsan iyo qalab ciidan oo aad uga tayo yar kan Sucuudiga.

Saas oo ay tahay Sucuudiga ayaa u muuqda mid guuldarro qiranaya isagoo sheegay inuu ogol yahay xabad joojin haddii ay aqbalaan Xuutiyiintu.

WAA MAXAY CILLADDU?

Yaman oo ah dal dagaal ka daal ah ayaa markan ku jira dagaalkii sokeeye ee 3-aad, iyadoo uu ugu dambeeyay midkii uu 94-kii ku mideeyay Cali Cabdalla Saalax oo ka mid ahaa Yamanta Woqooyi balse wada qabsaday ilaa koonfurta oo uu ka cayriyay Cali Saalim Al-biid.

Arrimaha looga adkaan waayay qolada Yamaniyiinta ah ee la dagaallamaya Sucuudiga iyo isbahaysigiisa ayaa waxaa ugu waawayn iyagoo adeegsanaya xeelado ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyagoo rumaysan inay dalkoodii difaacayaan, dalkaasi oo buuraleey ba’an ah, jidadka oo aad u xun.

Waxaa kale oo jirta in ciidamada Sucuudigu waloow ay haystaan hub ka mid ah kuwa ugu casrisan dunida aysan misna ahayn ciidamo khibrad iyo abaabul dagaal oo hufan leh.

Tusaale ahaan, in hal go’aan oo ciidan la qaato, kaasoo kasoo fulaya askariga ugu dambeeya ee riishadda haya iyo raaska ugu sarreeya waxay qaadanaysaa saacad iyo ka badan, waxaana ugu wacan sida warbixintan ku cad reer Aal Sucuud oo gacan bir ah ku haya hannaanka kala sarraynta Xoogga dalkaasi.

taasi waxay keenaysaa, in nin ay xilalka sare qabtaan saraakiil badan oo aan meerito iyo mudnaan ku imanin, balse ka tirsan meertada hoose ee qoyska dalkaa ka taliya ama dad ay isku shubshubtaan oo ay nin tooxsi u door bidaan, taasoo disha xirfadlennimada, hufnaanta shaqo iyo wax ku oolnimada ciidamada Sucuudiga oo sidoo kale lagu sheego kuwo habacan isla markaana caajis ah oo aan dhibka iyo hoowlaha adag u babac dhigi karin.

Halkan hoose ka daawo muuqaal arrintaa sharraxaya…

Hadalsame Media